Deeq A. Posted October 31, 2020 Roobab mahiiggaan ah, ayaa xalay ka da’ay degaanno badan oo ka tirsan Karkaar iyo Nugaal, kuwaas oo qaarkood aysan hore uga di’in Roobabka Dayrtu. Gobolka Karkaar, waxa xalay roobsaday magaalada Qardho iyo dhulka ku xeeran, waxaana gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda ka da’ay Roob xooggan oo dul iyo dooxaba buuxiyay. Roobka ayaa la soo sheegaya in uu gaarsiisanyahay soohdinta u dhexaysa Gobollada Sool, Sanaag iyo Karkaar, gaar ahaanna dhulka ay iska galaan Xadeedka Sanaag iyo Xaysimooyinka Sool. Gobolka Nugaal, sidoo kale degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Iyaxda ayaa xalay roobsaday, halka magaalada Garoowe iyo aga’gaarkeeda uu ka da’ay Roob yar oo qaboojin ah. PUNTLAND POST The post Degaanno ka tirsan Puntland oo xalay roobsaday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites