Sign in to follow this  
Deeq A.

Bahdilaada haysata Muslimiinta Faransiiska iyo Dhacdo Foolxun oo aan goob-joog u ahaa !

Recommended Posts

Deeq A.   

Bahdilaada haysata Muslimiinta Faransiiska iyo Dhacdo Foolxun oo aan goob-joog u ahaa !

FB_IMG_1604075535785-169x300.jpg

FB_IMG_1604075523972-169x300.jpg

FB_IMG_1604075520471-196x300.jpg

Maalin Jimce ah oo ay taariikhdu ahayd 4tii bishii September 2015 ayaa aniga oo ku sugan magaalada Paris ee xarunta Dalka Faransiiska, ayaa waxaan jeclaystay inaan Salaadii Jimce ku soo tukado Misaajidka weyn ee caanka ah ee ku dhex yaala badhtamaha magaalada Paris, Waa misaajid aad u qurux badan oo ay ku tukadaan dadka Caasimada Paris ku nool ama ka shaqeeya sida Shaqaalaha Safaaradaha Iyo Diplomaasiyiinta muslimka ah, waana Masjid aad loo ilaaliyo ammaankiisa oo ay afarta jihoba ka taagan yihiin Askar hubaysan.

Hadaba Khadiibkii Misaajidku intii aanu weli bilaabin akhrinta Qudbada waxa uu noo akhriyay Tafsiir kooban oo aad u macaanaa oo Suurto Al-Kahaf aayado ka mid ah uu Qalbiga noogu qaboojiyay.

Markii uu Sheekhii Jarranjarradii koray ee uu bilaabay Khudbadiisii oo Arrimaha Xajka ku saabsanayd, laakiin aanuu weli saani u gudo gelin ayaa qiyaas ahaan Nin da’diisu qiyaas ahaan ay ahayd 45 ilaa 50 jir intuu dadkii soo dhex maray uu Iimaamka hortiisa istaagay ka dibna waxa uu Jeebada kala soo baxay Waraaq balaadhan oo uu ku sawiran yahay Nin Ololaya oo holcaya waxaana waraaqda ku hoos qornaa Mohamed +Ramadan. Cod dheer oo Faransiis ayuu kor ugu qayliyay oo uu Af-labadii yeedhay isaga oo af Faransiis ku hadlaya.

Yaabay oo Amakaagay waanan fahmi waayay waxa uu ninkani la qaylinayo, Ninkani oo Carab inuu yahay iila eekaa waxaan niyada iska idhi Sawirkan uu wadhfinyaa ee uu kor u taagayaa malaha waa kii yaraa ee Dalka Tuuniisiya isku gubay ee uu gugii Carabtu uu ka bilaabmay ee Xusni Mubarik iyo Colkiisii lagu riday oo wuxuu rabaa in loo duceeyo!

Mar kale waxaan is idhi ninkan Qudbada badhtankeed ka kacay rabshad iyo Akhlaaq xumo ayuu wadaa… calaa ayi xaal dhawr qof oo ka ag dhawaa ayaa garbaha qabtay oo Banaanka u saaray iyaga oo Ciidanka Boliska oo hubaysan oo Masjidka hor taagnaa u dhiibay.

Intii aan ninkaas Banaanka loo saarin ayuu Jeebada gacanta intuu geliyay uu buqshad waraaqo ah soo saaray markaasuu saydhay oo meel kasta ay waraaqihii u duuleen, waraaqaha waxa ku qornaa qoraal Faransiis ah oo aanan anigu fahamsanayn.

Salaadii markii la tukaday ayaan dadkii ninkaas qabtay aan waraystay waxaanay ii sheegeen inuu Ninku Nabigeenii Suubanaa Naxariisi korkiisa ha ahaatee uu aflagaadaynayay. Runtii aad Iyo aad ayaan uga xumaaday ninkaas sida kibirka ah Misaajidka ku soo dhex galay ee weliba Nabigii sharafta badnaa ku dhex caayay, waxaanse aad uga sii xumaaday kuwa Masjidka ka buuxay ee fahmayay wuxuu ku hadlayo ee ugu yaraan intay qadaadka qabtaan isaga oo bahdilan banaanka u tuuri waayay si degdeg ah, in cabbaar ah ayuu dhurmayay ninkaas mujrimka ahi.

Markii misaajidka aan ka baxay ayaan waraysay Askartii Boliska ee banaanka taagnay waxa ay ka yeelayaan ninkii loo dhiibay, waxay ii xaqiijiyeen in ay u gudbiyeen qaybaha kale ee Booliska caadiga ah, sharcigana la marin doono.

Run ahaan Muslimiinta Faransiiska waxaa haysta culays aad u weyn, hore ayaa Xijaabkii looga mamnuucay, waxaana saaran culaysyo kala duwan oo aan saarnayn Muslimiinta ku nool UK iyo Wadamada kale ee Yurub badankooda.

Rabbi ha u gargaaro.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this