Sign in to follow this  
Deeq A.

War naxdin leh oo goor dhoweyd naga soo gaadhay dalka Turkiga+Khasaaraha Dhimasho & dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   

 

War naxdin leh oo goor dhoweyd naga soo gaadhay dalka Turkiga+Khasaaraha Dhimasho & dhaawac

gariir-4.jpggariir-4.jpg

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in dhul gariir xoog leh uu ku dhuftay gobolka xeebta ku yaal ee Izmir ee dalka Turkiga, waxaana dhul gariirkan uu sababay khasaaro kala duwan.

gariir-2.jpg

Waxaa laga dareemay dhul gariirkan  oo cabirkiisu lagu qiyaasay 6.6magnitude cabirka Dhul gariirka qeybo kamid ah dalalka Turkiga iyo Gariiga, waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay dhul gariirkan.

gariir-3.jpg

War kasoo baxay dowlada Turkiga ayaa lagu sheegay in dhul gariirkan sababay in dhismayaal badan soo dumeen, waxa ayna dowlada sheegtay in ay jiraan dad badan oo ku hoos jira dhismayaal kusoo dumay dhul gariirkan.

 gariir-1.jpg

Dad ku dhaw 10-qof ayaa wararka horu dhaca ah sheegayaan in ay ku dhinteen dhul gariirkan, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato lana helo meydadka dad wali nolol iyo geeri lagu la’yahay.

gariir-1.jpg gariir-2.jpg gariir-3.jpg gariir-4-1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this