Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo shaacisay xilliga lagu dhowaaqayo guddiga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan abuukar Duube ayaa ka hadlay barnaamijka xukumadda uu hogaamiyo Ra’isul wasaare Rooble oo ka kooban sugida amniga, hormarinta dhaqaalaha ,qabsoomida doorasho ku dhacda si nabad galyo ah iyo hormarinta mashaariicdii hore usocotay in laga shaqeeyo.

Wasiir dube waxa yy sheegay in misaaniyadu dowladda lagu xoojinayo adeegyada bulshada gaar ahaan waxbarshada sida qorshahun yahay sanadka soo socdo ee 20121 dalga laga hirgalin doono boqol iskuul ,sidoo kale dib udhis lagu sameynayo cisbitaalo iyo xoojinta garsoorka dalka.

“Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 waxaa ka mid ah in la hirgalin doono ilaa iyo boqol iskuul ,dib udhiska qaar ka mid cisbitaalada dalka iyo xoojinta hay’addaha garsoorka si loo xoojiyo cadaalada.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dube ayaa sidoo kale shaqeegay in qorashu yahay in la magacaabo guddiga doorashooyinka isku dhafka ee dalka isla markaana dowlad goboleedyada dalka ay soo diyaariyeen xubaha dowladdanuna diyaarisay.

“Bilaawga bisha soo socota ayaa lagu dhawaaqi doonaan guddiga isku dhaf ka ah ee doorashoooyinka dalka,dowlad goboleedka dalka waa ay soo diyaariyeen xubanahii umali lahaa guddiga si la mid ah dowladduna wa udiyaar si loo fuliyo hishiiskii doorashooyinka ee golaha iskaashada qaran ayuu yiri wasiir Dubbe

Wasiir Dube waxaa kaloo uu sheegay in barnaamijka xukumadda lagu adkeynayo howlaha hortabinta leh ee horyaala iyadoo sedexdii bilba wasaarad wabla laga rabo inay soo diyaariso qorshaha hormarinta taasina ay ka dhalatay talaabooyinka dib loofu furay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this