Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi ka socda K/Galbeed oo lagu soo dhoweeyey Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad ballaaral oo lagu soo dhoweynayay Wasiirka Gaadiidka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay)  ayaa xalay lagu qabtay Magalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga mudane, sheikh Mohammed , Wasiirkii hore ee Wasaradda Warfaafinta KG , Guddoomiyaha Somali voice organization Eng  Hashim Abdullahi Abdi, Guddoomiyaha shirkaddda Somturki Cargo  ahna Guddoomiyaha Jaaliyadda koonfur Galbeed ee dalk Turkiga mudane Mohamed Abdullahi,  Dr Ahmed Sheikh Abdullahi Maadka oo ah Guddoomiyaha gudiga Dorashada ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Istanbul,  Masuul sare mudane Hasan Turki, Ardayda ,Haweenka, dhaliyarada iyo masuliyiin kale ayaa ka mid ahaa dadkii  ka qayb galay munsaasabadda.

Masuuliyiinta iyo xubnaha kale ee goobta ka hadlay ayaa waxay  Wasiir Xasan Eelaay ku amaaneen howsha wanaagsan ee uu u hayo shacabka Soomaaliyeed ,gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sida hufan ee uu gudanayo waajibaadka saran.

Ugu dambeyntii wasiir Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta iyo shacabka soo abaabulay munaasabdda lagu soo dhoweynayay, wuxuna shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan degaanadda Koonfur Galbeed ee Soomaliya.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday Wasiirku in uu kaalintiisa ka qaadan doono horumarinta dhalliyaraddda kasoo jeedda degaannada koonfur Galbeed Soomaliya iyo sidoo kale dardar gelinta kor uqaadista aqoonta bulshada , wacyigilinta iyo caawinta dadka danyarta ah ee Soomaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Eelaay-2.jpg Eelaay-1.jpg Eelaay-5-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this