Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Bakool & Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidmada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad magaalada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu la dhacay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidmada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this