Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay inay ciidamo hor leh u soo direyso xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa haatan qorsheyneysa inay ciidamo dheeraad ah u soo dirto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay u xoojiyaan amniga.

Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta oo tababar u soo xirayey189 askari oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaasi la geyn doono deegaanada ku yaalla Xadka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu xoonin doono kuwii horey u joogay halkaasi, si ay roondooyin iyo howlgallo uga sameeyaan xadka labada dal.

Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku fuliya wadanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this