Deeq A. Posted October 29, 2020 (SLT-Jiddah)-Nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jiddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha. Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga. Daalka Faransiiska wuxuu wajahayaa cadho xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed. Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso.War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: “Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters. Booliska Gobolka Makah oo Jiddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay si wayn u feejignaadaan. Source Share this post Link to post Share on other sites