Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka shaqaynaya Xayiraadda ilaha dhaqaale ee Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtaay in ay si weyn u taageerayso  dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta ay adeegsato  kooxda  Al-Shabaab.

Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay sheegeen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon .

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft, ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan dalalka kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago maalgelinta Al-Shabaab.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay  ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada Al-shabab ee aan ku ekayn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka shaqaynaya Xayiraadda ilaha dhaqaale ee Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this