Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska & Dad la gawrcay

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Faransiiska

 nice.jpg

Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska.

Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan oo goor dhow dhacay.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan goobta oo ku taalla bartamaha magaalada Riviera ee dalkaasi Faransiiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska, haweeney iyo nin ayaa ku dhintay weerarka, qof looga shakiyay inuu weerarka fuliyay ayaana la xiray 10 daqiiqo kaddib.

Booliiska ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenka ku dhintay la gowracay.

Duqa magaalada Nice ayaa weriyeyaasha u sheegay in eedeysanaha “uu ku celcelinayay” ‘Allahu Akbar’.

Daqiiqad aamusnaan ah ayay galeen dadkii ku sugnaa shirka barlamaanka dalkaas, oo uu Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex uu ka jeedinayay khudbad.

Nice waxay xuddun u ahayd weerarradii ugu ba`naa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay Faransiiska, iyadoo 14-kii July sanadkii 2016 nin 31 sano jir ah oo u dhashay dalka Tunisia uu gaari xamuul ah dardarsiiyay dad ku sugnaa goob ay xaflad ka dhacaysay, taas oo ay ku dhinteen 86 qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this