Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga oo hub iyo raggii watay ku soo bandhigay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu faah faahiyey howl-gal ciidamada dowladda  ay xalay ka sameeyeen M/ Muqdisho.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadda Oodweyne oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir., sida ay sheegtay hay’adda NISA.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in howl-galkaasi lagu soo qabtay hub iyo raggii watay, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

“Ha’yaddaha amniga caasimadu ayaa  waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

NISA ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka shacabka ah ee laamaha ammmaanka la soo wadaagay xogtaasi, iyada oo shaacisay inay muhiim tahay in laga wada-shaqeeyo amniga.

“Waxaan mar walba u mahadcelineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey shacabka Soomaaliyeed.” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyey howl-gallada ay ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo dhowaan isku diyaarineyso marti gelinta doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this