Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo dhanka dhaqaalaha kala dagalamayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa sheegay inuu wado qorshe xoogan oo uu kala dagaalamaya dhaqaalaha Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday QM ayaa lagu sheegay in ay korortay lacagaha ay u adeegsadaan dagaallada, iyadoo sanadkii hore ay ku bixiyeen in badan 21 milyan oo dollar, taas oo Al-Shabaab ay u adeegsadeen sirdoonka iyo dagaallada ay ka geeystaan gudaha Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka u sheegay in tallaabo laga qaadi doono wadamo la sheegay in Al-Shabaab ay maaliyadda u soo marto.

Mareykanka ayaa waxaa ay isku dayayaan in ay wiiqaan awooda Al-Shabaab, si ay u yaraato waxyeelada gaarta shacabka, iyadoo sidoo kale culeyska uu ka yaraanayo wadanka Kenya oo Al-Shabaab ay ka geystaan weeraro hubeysan.

Warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda ay yihiin kuwa ugu halista badan ee ka dagaalama qaaradda Afrika

Mareykanka ayaa xusay in haddii Al-Shabaab lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha ay yaraando doonto weerarada loo adeegsado qaraxyada ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this