Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo ka dhan ah gefkii Nebiga (NNKH) oo ka dhacay Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta meelo badan oo ka mid ah dalka ka dhacay dibad-baxyo looga soo hojeedo gefkii uu Nebi Muxamed (NNKH) u geystay madaxweynaha dalka Faransiiska.

Dibad-baxyada ayaa si gaar ah uga kala dhacay magaalooyinka Muqdsho iyo Gaalkacyo, iyada oo ay ka qeyb-galeen culuma-udiin, arday, waxgarad & qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas kasoo horjeeday hadalkii madaxweyne  Emmanuel Macron

Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga dhiidhiyey aflagaadadii uu Macron u geystay Islaamka iyo taageerada uu u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed (NNKH).

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay dibad-baxyadan ayaa sheegay in hadalka Macron uu meel ka dhac ku yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah.

 Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, iyaga oo gubayey Sawirradiisa.

Dalal badan oo muslmiin ah ayey ka dhaceen dibad-baxyada & carada ka dhalatay hadalkii Emmanuel Macron boo aflagaadu u geystay Islaamka, isagoo taageero ugu muujiyey macalinkii la dilay ee sawir loogu gafayo Nebiga (NNKH) tusiyey ardaydiisa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

122791703_670333533851335_58834156240393 123013149_670333680517987_69563025475055 123051696_670334057184616_24419512599064 123068016_670332767184745_25794739619697 Ban-1-750x430-1.jpg Dibadbax.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this