Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaanka Qamar Suugaani Oo Maxkamad La Soo Taagay + Dambiga Loo Heysto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xidhay halkaasi.

Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska ee Somaliland.

Maxkamaddu ayaa amartay in fanaanka la sii haayo muddo toddobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xidhnaa oo ku yaalla magaalada Berbera.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xidhiidha safarkii uu ku tagay magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this