Sign in to follow this  
Deeq A.

UNICEF oo war ka soo saartay shaqaale lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa canbaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee Soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasi oo shaqo ku jiray.

Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahanyihiin gaarsiiyaan caruurta nugul ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in UNICEF ay si xoog leh u canbaareyneyso weerarka fuleynimada leh ee lagu dilay shaqaalaha waxayna ka codsatay dowlada soomaaliya baarintaan buuxa.

Weerarada ka dhanka  ah  shaqaalaha gargaarka waxay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this