Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DF oo xaalad ay ku qasabtay in uu Al-Shabab ‘siiyo’ $3600 – Sidee ayey wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo dhawaan la daabacay ayaa qireysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dakhliga ugu badan ka helaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal ee fadhiggiisu yahay Muqdisho, oo warbixintan soo saaray, ayaa sheegay in dagaalyahanada xiriirka la leh Al-Qaacida ay gacantooda soo gasho lacag dhan 11 milyan oo dollar bishii, waxeyna toos uga timaadaa sida la sheegay ganacsatada iyo shacabka qaarkood.

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa warbixin ay sanadkaan soo saareen ku sheegay in Al-Shabaab ay sanadkii helaan lacag ka badan 20 milyan oo Dollar, iyadoo taas badalkeeda ay u adeegsadaan waxyeeleynta dadka.

Warbixinta Machadla Hiraal ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya uu si dadban u dhiibay lacag ay qaadatay Al-Shabaab. Walow aan magaciisa lasoo gudbin, haddana wuxuu ku qasbanaaday, siduu sheegay, markii laga hor-istaagay guri uu ka dhisanaayay magaalada Muqdisho inuu lacagta bixiyo.

Sarkaalka wuxuu sheegay in cadaadis badan la saaray shaqaalaha dhismaha iyo shirkadaha qalabka dhismaha keena, taasna ay ku qasabtay inuu qaato go’aan uu ku joojinaayo dhismaha guriga ama uu lacagta shubo.

Isaga oo ka sheekeynaya sida ay wax u dhaceen ayuu yiri “Si kastaba ha ahaatee, waxa aannu mararka qaar la kulannaa xaalado ay qasab nagu noqoto in aan cashuur siino Al-Shabaab. Aan idinla wadaago sheeko ku saabsan lacago aan u diray Al-Shabaab iyada oo aan dhanka kalena dagaal joogto ah kula jiro. Bishii tagtay waxa aan bilaabay in aan guri dhisto. Injineerkii guriga ii dhiisayay waxa uu ii sheegay in si joogto ah loogu soo dirayay taleefanno iyo hanjabaado isdaba joog ah oo uga imaanayay Al-Shabaab taasoo lagu farayay in uu dhismaha joojiyo ama cashuurihii ku waajibay ka soo qaado hantiilaha guriga leh. Waa aan diiday in aan cashuurta bixiyo waayo wax cabsi ah kama qabin Al-Shabaab. Maalmo ka dib waxa joogsaday gebi ahaanba hawlihii dhismaha waayo waxa shaqada ka tagay injineerkii. Waxa aan u yeeray injineer kale isla markiiba, hase ahaatee injineerkii cusbaana waxa lagu bilaabay wicitaanadii iyo hanjabaadihii kii hore oo kale. Gaadiidkii usoo qaadayay agabka dhismaha guriga ayaa iyana lagu qasbay in ay joojiyaan alaabooyinkii ay ii keenayaan. Ugu dambayntii waxa qasab igu noqotay in aan ama joojiyo dhismaha ama bixiyo cashuurta Al-Shabaab. Waxa arrin aad looga xumaado ah in aan siiyay kooxda $3600 gurigaygiina sidaa iigu dhammaaday”.

Ma jiraan caddeymo culus oo arrintaan laga soo bandhigay, balse waxaa muuqaneysa iney Al-Shabaab si fudud lacagaha uga helaan masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada.

The post Sarkaal ka tirsan ciidanka DF oo xaalad ay ku qasabtay in uu Al-Shabab 'siiyo' 00 - Sidee ayey wax u dhaceen? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this