Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-baxyo ka dhan ah gefkii Islaamka ee Macron oo ka dhacay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, sida magaalooyinka Muqdsho iyo Gaalkacyo ayaa dhigay dibad-baxyo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Dadka dhigayey dibad-baxyada ayaa isugu jiray culuma-udiin, arday, waxgarad & qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas kasoo horjeeday madaxweynaha Faransiiska.

Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga dhiidhiyey aflagaadadii uu Macron u geystay Islaamka iyo taageerada uu u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed NNKH.

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay dibad-baxyadan ayaa sheegay in hadalka Macron uu meel ka dhac ku yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, iyaga oo gubayey Sawirradiisa.

Wadamo badan oo muslmiin ah ayey ka dhaceen dibad-baxyada & carada ka dhalatay hadalkii Emmanuel Macron boo aflagaadu u geystay Islaamka, isagoo taageero ugu muujiyey macalinkii la dilay ee sawir loogu gafayo Nebiga NNKH tusiyey ardaydiisa.

122791703_670333533851335_58834156240393 123013149_670333680517987_69563025475055 123051696_670334057184616_24419512599064 123068016_670332767184745_25794739619697 Ban-1-750x430-1.jpg Dibadbax.jpg

The post Sawirro: Dibad-baxyo ka dhan ah gefkii Islaamka ee Macron oo ka dhacay Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this