Sign in to follow this  
Deeq A.

Kusimaha duqa Muqdisho oo kormeeray waddooyin dowladda hoose ay ka waday olole biyaha looga qaadayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay kormeeray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Kormeerka ayuu guddoomiyuhu ugu kuur gelayay howlo nadaafadeed oo waaxda nadaafadda dowladda hoose ee Xamar ay ka fulineysay waddooyinka caasimadda si looga nadiifiyo biyaha fadhiista waddada xilliga roobaadka oo lagu guda jiro.

Kusimaha duqa caasimadda mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa balan qaaday in maamulka gobolkua Banaadir uu sii laba jibaari doono dadaallada biyaha fariista looga qaadi lahaa waddooyinka si bilicda caasimaddu u noqoto mid qurux badan.

PUNTLAND POST

The post Kusimaha duqa Muqdisho oo kormeeray waddooyin dowladda hoose ay ka waday olole biyaha looga qaadayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this