Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha maxkamada sare oo qaabilay wafti ka socda midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ay yeesheen guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo masuuliyiin ka socday dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland ayaa lagu gorfeeyay is-kaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

20201027_163733-300x147.jpg

Waftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay xafiiska EU-da ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrima la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka qaateen hay’adda garsoorku arrintaasi iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayaa in dhawaan ay dalka ka qabsoonto.

Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyay taageerada ay qaranka Somaliland siiyaan isagoo u soo jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen xorriyaadka aas-aasiga ah. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo.

Waxa kale oo guddoomiyuhu la waddaagay waftiga ka socday dawladaha Yurub iyo Ururka Midawga Yurub in garsoorku marwalba soo dhaweeyo isla markaana uu cabashadooda dhagaysto Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka difaaca.

Gaba-gabadii waftiga iyo guddoomiyaha ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhimac isla markaana waxay uga mahadnaqeen Gudoomiyaha soo dhawynta uu u sameeyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this