Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin faah-faahisay sida Al-Shabaab ‘u canshuurto’ shaqaalaha DF iyo inta uu la egyahay dakhligooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo BBC-du qortay ayaa lagu sheegay in ururka Al-Shabaab dhaqaale badan oo canshuur ah uu ka uruursado gudaha Soomaaliya, taas oo weliba ka badan tan ay qaado dowladda Soomaaliya.

Warbixintan oo laga soo xigtay machad cilmi barista ee Hiraal ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabab ay ganacsatada ka qaadaan lacag dhan 15 million oo dollar bil kasta, taas oo ka badan lacagta dowladda kasoo gasha canshuurta ay ganacsatada ka qaado.

Ka sokow ganacsatada Al-Shabaab waxay lacag baad ah la qaadaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo xataa saraakiisha ciidamada, sida warbixintaan lagu xusay.

Lacagta ay Al-Shabaab ka qaadaan dadka Soomaaliyeed ee 15-ka million gaaraysa kala bar waxay kasoo gashaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Warbixintaan maanta la daabacay waxaa lagu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin dhibanayaal oo dowlada iyo Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaadaan, ayna ku qasbanyihiin inay bixiyaan.

“Ganacsatadu waxay lacagta u baxshaan oo ay Al-Shabaab u siiyaan waa cabsi ay ka qabaan ee ma’ahan rabitaankooda iyo qanaaco” ayaa lagu yiri warbixintaan laga soo xigtay machadka baaristan sameeyay ee Hiraal.

Waraysiyo laga qaaday mas’uuliyiin dowlada ku jira, ganacsato iyo xataa hoggaamiyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo magacyadooda la qariyay ayaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay lacago bille iyo mid sanadle ahba ka qaadaan dhamaan shirkadaha waa weyn ee dalka ka jira, taas oo ay u kala qeybiyaan canshuur iyo sako iyo xataa mararka qaar shirkadaha laga qaado lacag dhan 2.5% lacagaha faa’iidada ah ee ay helaan shirkaduhu.

Magaalada Muqdisho ganacsatada ka shaqaysta meelaha u dhaw xarumaha dowladda, sida agagaarka madaxtooyadda ayaa warbixintaan lagu sheegay in laga qaado lacago canshuur ah oo Al-Shabaab qaataan.

Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo dowladda ayay warbixintaan sheegaysaa in Al-Shabaabna ay il dhaqaale u tahay oo ay canshuuraan ganacsatada wax kala soo degta.

Mas’uuliyiin magacyadooda la qariyay oo dekedda ka shaqeeya ayay warbixintu sheegeysaa inay Al-Shabaab u gudbiyaan waraaqaha maanafeestada loo yaqaan ee maraakiibtu wadato.

Machadka Hiraal ee BBC-du warbixintaan kasoo xigatay waxaa uu sheegay in shaqaalaha dowladda qaarkood ay xataa Al-Shabaab siiyaan qeyb ka mid ah mushaarkooda si ay uga nabad galaan.

Shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee ka shaqeeya meelaha dowladu ka taliso waxay sheegeen in taleefoono lagala soo xiriiro, sidaasna ay lacagaha ku bixiyaan.

Dhulka ururku ka taliyo dhib badan kalama kulmaan oo toos ayay ganacsatada ugu tagaan, ugana qaataan inta ay doonaan ee lacag ah.

Beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku sugan meelaha ay ka taliyaan ayaa ah kuwa ugu badan ee ay lacagaha ka qaataan.

Warbixintaan oo aad u dheer  waxaa lagu xusay wareysi laga qaaday sarkaal tirsan ciidamada Soomaaliya oo lacag badan laga qaaday si ay u suurto gasho sii wadista dhismo guri uu dhisanayay.

Sarkaalkaan waxaa uu sheegay in markii uu diiday inuu bixiyo lacag la weydiistay in shaqaalihii dhismaha ka waday gurigiisa loo hanjabay, lana joojiyay gaadiidkii qalabka dhismaha geyn lahaa, taas oo ugu dambeyn keentay inuu baxsho lacag gaaraysaa 3,600$.

“Waan ku qasbanaa in lacagtaas baxsho, anigoo dagaal kula jira maleeshiyadooda, waayo wadada kale ee ii furan waxay aheyd, inaan dhismaha joojiyo” ayuu yiri sarkaalkaan ciidanka dowladda ka tirsan ee Al-Shabaab lacagta siiyay oo warbixintaan magaciisa iyo darajiisaba lagu sheegin.

Waxuu sidoo kale yiri “Anigoo ka xun ayaan baxshay lacagtaas”.

Sidoo kale waxay indho gooni ah ku eegeen Al-Shabaab dhismooyinka ay qaraxyada ku dumiyaan, marka la damco in dib loo dhiso oo ay mar kale lacago baad ah ka qaadaan, haddii loo diidana ay mar kale dib u weeraraan.

Ganacsade jooga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay taleefoon kula hadleen qof ay shaqo wadaag yihiin oo doonayeen inuu dib u dhiso Hotel ay horay u qarxiyeen kadibna ay ku qasbeen inuu baxsho lacag aan gorgortan iyo wada hadal toona laheyn.

Qofkii diida dalabka Al-Shabaab ee lacag bixinta ah, waxuu ku qasbanyahay inuu labo mid un sameeyo “inuu ganacsigiisa joojiyo, iyo inuu dalka ka baxo” ayaa warbixintaan lagu yiri.

Gaadiidka xamuulka qaada ee gobollada dalka iskaga safra wadayaashoodu waxay sheegeen in lacag badan Al-Shabaab ka qaataan, laakiin ay kaga duwan yihiin dowladda inay hal boono ku dhex maraan dhulkooda, halka dowladda meel walba lacag lagu weydiiyo.

Magaalooyinka Boosaaso, Jawhar, Kismaayo iyo Baydhaba ayaa lagu xusay warbixintaan inay ka mid yihiin magaalooyinka Al-Shabaab ay ka helaan dhaqaalaha ugu badan.

Dhawaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa loo gudbiyay warbixin ay diyaariyeen guddiga daba-galka cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxay ku sheegeen in Al-Shabaab ay lacag badan ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku fuliyaan weerarrada ay dalka ka geystaan.

The post Warbixin faah-faahisay sida Al-Shabaab 'u canshuurto' shaqaalaha DF iyo inta uu la egyahay dakhligooda first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this