Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo saddex arrin ku cadaadineysa DF iyo maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray kulankii maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray wafdigii la socday Danjire James Swan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

James Swan ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor ay kala hadleen ahmiyadda ay leedahay sii socoshada wadashaqeynta hoggaanka dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

“Kulankeenii maanta ee aan la qaadanay Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay ahmiyada ay leedahay sii socoshada xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waxaana dhiiri galiyay soo nooleynta wadahadalladooda,” ayuu yiri James Swan.

Socdaalka uu maanta ku tegay Dhuusamareeb wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxaa ku wehliyey wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira, danjire ku xigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller iyo xubno ka socday urur goboleedka IGAD.

“Waxaan jeclahay inaan ku amaano, anigoo ku hadlaya magaca kooxdeena, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye hoggaamintiisii ​​martigelinta shirarkii isdaba jooga ahaa ee Dhuusomareeb ka dhacay bilihii July iyo Ogosto, taas oo horseeday shirarkii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho bishii hore ee Sebtember, intii lagu jiray heshiiska doorashada dalka,” ayaa lagu yiri warbintan ka soo baxday xafiiska James Swan.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku boorinayaa dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan wadashaqeynta iyo hanaankan ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka Qaranka, si marka kasta ay isula xariiraan, taas ooh or seedi karta hufnaan, cadaalad iyo wax wada-qabsi.”

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in socdaalkan uu ka mid yahay dadaallada lagu hubinayo qoondada haweenka ee 30%, taas oo muhiim ka dhigeysa inay metelaad ku yeeshaan guddiyada xulista ergada iyo doorashooyinka baarlamaanka, sida lagu yiri warbixintan.

“Intii aan joognay Dhuusamarreeb, waxaan sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye dadaalka uu ugu jiro dib-u-heshiisiinta, waxaana ku boorrinaynaa inay taasi sii socoto. Waxaan sidoo kale diiwaangelinnay walaaca aan ka qabno dhacdooyinka amniga ee ugu dambeeyay, maadaama Al-Shabaab ay u hanjabtay dadka,” ayuu yiri Danjire Swan.

Waxa uu sheegay inay dhanka ammaanka ka gacan siinayaan maamulka Galmudug, isla markaana ay soo dhaweynayaa joogitaanka ciidamada AMISOM ee Galmudug si ay u taageeraan ciidamada amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay James Swan in booqashadii ay maanta ku tageen Dhuusamareeb inay u tahay booqashadii labaad oo ay bishan gudaheeda ku tageen mid ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada dalka, isagoo soo dhaweyntii loo sameeyey uga mahad celiyey shacabka iyo madaxweynaha Galmudug.

The post Beesha caalamka oo saddex arrin ku cadaadineysa DF iyo maamul goboleedyada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this