Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax Looga Soo Horjeedo France oo Ka Dhacay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulshada ku dhaqan magaalada Burco ee Gbobolka Togdheer ayaa sameeyey dibax ay uga soo horjeedaan madaxweynaha wadanka Faransiis Emanual Macron, kadib hadal uu jeediyey dhowaan carro badan dhaliyey.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo lid ku ah France, waxaana ay wateen boorar lagu soo xardhay hadallo ay uga soo horjeedaan, hadalkii dhowaan uu ku sheegay Macron in dalkiisa aanun joojin doon sawir gacmeedyada.

Hadalka kasoo yeeray madaxweyne Macron ayaa waxaa uu dhaliyeen caro waddamo badan oo muslimiin ah ay u muujiyeen wadankaas, halka wadamada qaar ay ku dhawaaqeen in ay joojinayaan gacansiga dalkaasi sida Turkiga.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this