Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo xiray shir muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

122963782_1037014016712118_2057488628993653760_o 122979039_1037013873378799_4933181178607822586_o 123058019_1037014153378771_5548524878702977223_o 123074683_1037014270045426_4701587739355604336_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this