Sign in to follow this  
Deeq A.

Mawqifka Boqortooyada Sacuudiga ee Gawracii lala beegsaday Macallinkii Nebi Muxamed Aflagadeeyay+Badeecadaha Faransiisku u dhoofiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Sacuudiga oo canbaareysay Gawracii lala beegsaday Macallinkii Nebi Muxamed Aflagadeeyay 

mbs-2.jpg

Sacuudiga ayaa cambaareeyay sawir-gacmeedyada la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad (NNKH), balse wuxuu ka gaabsaday baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee ee lagu mamnuucayo wax soo saarka Faransiiska.

Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyadu ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimada, oo uu ula jeedo gowricii lagula kacay macallinkii Faransiiska u dhashay, ee ardayda tusay sawir-gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad NNKH.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku baaqay in la mamnuuco badeecada ka timaadda Faransiiska, iyadoo baarlamaanka Pakistan uu sidoo kale meel mariyay qaraar ku boorrinaya dowladda inay u yeedho safiirkeeda ka jooga Faransiiska.

Gudaha Sacuudiga, baaqyada ah in la mamnuuco wax soo saarka Faransiiska ayaa qabsaday baraha bulshada, balse wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in magaalada Riyadh aanan laga dareemeynin mamnuucidda alaabaha ka timaadda Faransiiska.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this