Sign in to follow this  
Deeq A.

Geed ay dumarka ku hoos foolin jireen oo la jaray+Dibadbaxyo uu sababay

Recommended Posts

Deeq A.   

Geed ay dumarka ku hoos foolin jireen oo la jaray+Dibadbax…

geed.jpgDadka ka barakaysta geedkan ayaa ku doodaya inuu jiray 350 sano

Jaritaanka geed ay barakeystaan dadka asal ahaan ka soo jeeda Australia ayaa caro ka abuuray dalkaas.

Dad dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid halka geedka laga jaray oo ku taalla gobolka Victoria ee dalkaas, si ay u difaacaan geedaha dhaqan ahaan muhiimadda leh, waxaa geedahaas ka mid ah kuwa ay haweenka qowmiyadda Djab Wurrung ay aadi jireen marka ay fool qabato, si ay ugu dhalaan.

Balse maamulka magaalada ayaa Isniintii jaray geedka Djab Wurrung. Waxay sheegeen in geedkaas uusan ku jirin liiska geedaha aan la taaban.

Heshiis ay kala saxiixdeen sanadkii la soo dhaafay, ayaa milkiilayaasha dhulka ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Australia, ayaa waxay dowladda Victoria kala xaajoodeen inaan la jarin ilaa 250 geed oo muhiim u ah dhaqankooda.

Booliiska Victoria Police ayaa sheegay inay xireen ilaa 25 dibadbaxayaal ah, kuwaas oo diiday inay goobta ka tagaan, xilli ay socotay jaritaanka geedka.

Sawirro ay baraha bulshada soo dhigeen dadka u dooda inaan geedahaas la jarin, ayaa muujinaya booliiska oo si qasab ah dadka uga kaxayna waddada, iyo dibadbaxayaasha qaar oo geedka koray.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in geedkaas uu ahaa mid dhici rabay oo jiray 100 sano, balse dibadbaxayaasha waxay ku andacoonayaan inuu geedkaas jiray 350 sano.

Dad badan oo asal ahaan ka soo jeeda dalkaas ayaa sheegay in dhulku uu ka tarjumayo isirkooda. Dadka u dhaqdhaqaaqa qowmiyadda Djab Wurring ayaa hore u sheegay in muhiimadda ay geeduhu u leeyihiin dhaqankooda ay la mid tahay tan ay goobaha lagu cibaadeysto dadka u leeyihiin.

Geedaha la doonayo inaan la taaban waxaa ka mid ah labo geed oo ay haweenku hoostiisa ku dhali jireen. Waa geedo jiray qarniyo, kuwaas oo ay xitaa haweenku ku duugi jireen ibida, marka ay dhalaan, taas oo ah qeyb ka mid ah dhaqankooda.

Dadka cambaareeyay jaritaanka geedka ayaa sheegay in jaritaankiisa ay ku soo aadday xilli lagu dhawaaqay in xayiraadda laga qaadayo magaalada Melbourne ee caasimadda u ah gobolka Victoria.

 Geedka ayaa la sheegay inuu ku yaallay waddo muhiim ah

Dowladda Victoria ayaa difaacday go`aankeeda jaritaanka geedka oo ay ku sheegtay inuu qeyb ka yahay mashruuc ilaa 12km (7.4 meyl) lagu ballaarinayo waddo u dhaxaysa magaalooyinka Melbourne iyo Adelaide – si loo yareeyo shilalka.

“Iyadoo in ka badan 100 shil ay ka sanadihii la soo dhaafay ka dhaceen Waddada Galbed, ayna sababeen 11 dhimasho ah, waxaanu la nimid tallaabadan si aan u badbaadinno dad badan,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda gobolka Victoria.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this