Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dil iyo qarax ka dhacay degmada Kaxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo qarax is-xigay oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Colow Cali, kaas oo ahaa gudoomiyaha waaxda shanaad ee Siinka Dheer ee degmada Kaxda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha lala dilay gabar magaceeda lagu sheegay Faadumo Mataan, xilli ay olole wacyi-gelin caafimaad ka wadeen halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in kooxihii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Dhinaca kale wararka laga helayo Kaxda ayaa sidoo kale ku warramaya in goobta uu dilku ka dhacay laga maqlay qarax xoogan, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca raaxada oo la dhigay goobta, xilli ay tageen guddoomiyaha degmada Kaxda iyo saraakiil kale.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga iyo gurmad loo fidanayo dadka waxyeelo soo gaartay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this