Deeq A. Posted October 27, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay ciidamada ammaanka Jubbaland ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo socday tan iyo shalay ayaa waxaa ciidamadu ay ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan gudaha magaaladaasi. Ciidamada ayaa baaritaanooda si gaar ah xoogga ugu saaray xaafadda Calanley oo shalay lagu dilay ganacsade Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow oo caan ahaa. Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalladaas uu ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in tiro dad ah oo la tuhmayo la soo qabtay, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites