Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaaray Dhuusamareeb + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xubno ka socda beesha caalamka, islamarkaana uu hoggaaminayo, ergeyga gaarka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

Wafdigan oo uu horkacayo James Swan ayaa waxaa ka mid ah wakiilada EU, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Xubnahan ka socda beesha caalamka ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug & mas’uuliyiin kale.

Ujeedka safarka wafdigan ka socda QM, EU, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa waxaa lagu sheegay mid ku qotoma arrimaha doorashooyinka 2020/21, siyaasadda iyo amniga.

Sidoo kale qorshaha wafdigan ayaa waxaa qeyb ka ah in Dhusamareeb ay ka hirgeliyaan xarun ay leedahay Qaramada Midoobay, taas oo laga hagi doono howlaha hormarineed ee ay hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ka wadaan Galgaduud iyo Mudug.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale inta ay joogaan caasimada Galmudug kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda sare ee maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo heshiis laga gaaray, kadib shirar ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

122546214_126539765886435_16836366530091 122635028_126539772553101_70337205383830 122767859_126539769219768_16941826341014 122790911_126539775886434_56461193181932

The post Sawirro: Wafdi ka socda beesha caalamka oo gaaray Dhuusamareeb + ujeedka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this