Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Laga Dalbaday Inay Xidhiidhka U Jarto Dalka Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah waddamada Caalamka waxaa ka socda banaanbaxyo waa weyn oo lagaga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha dalka Faransiiska, kaas oo ahaa inay xorriyad tahay in qof kasta wuxuu doono ku hadlo ama qoro, islamarkaana la sii wadi doono sawirada laga matalayo Nebi Muxumad NNKH.

Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa joojiyay iibsiga waxyaabaha looga keeno dalka Faransiiska, halka qaar ka mid ah madaxda Caalamka ee Muslimiinta ay canbaareeyeen hadalka Madaxweynaha Faransiiska, iyagoona ka digay dhibaato ka dhalan karta waxyaabaha ka socdo Faransiiska.

Soomaaliya wali kama hadlin arintaan dunida Muslimka gil-gishay waxayna Soomaaliya kamid noqoneysaa wadamo badan oo muslmiin ah oo aan arintaan ka hadlin.

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, oo ka tirsan culimada Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay jarto xidhiidhka ka dhaxeeya Faransiiska.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka in ay qaataan go’aan xidhiidhka loogu jarayo Faransiiska maadaama uu ku gafay madaxweynaha wadankaas Nabigeenna Muxumad ee qiimaha badan,” ayuu yidhi Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo ka tirsan culimada Soomaaliya.

Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto dowladda Faransiiska oo Madaxweynaha wadankaas oo ku gafay suubanaheena Muxumada NNKH.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this