Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo haddiyad yaab leh Sudan ugu beddeshay xidhidhka ay la yeelatay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisal-wasaaraha Israa`iil oo shaaciyey in Qamadi ku kacaya $5m Dawladiisu u dirayso saaxiibkeeda cusub ee Suudaan
 sudan-1.jpg
Suudaan waxaa ka taagan xaalad cunno la`aan oo baahsan

Israa`iil ayaa qamadi qiimihiisu yahay $5m (£3.8m) u direysa “saaxiibkeed cusub” Suudaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra`iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Suudaan ayaa isku diyaarineysa inay soo celiso xiriirka Israa`iil – iyadoo hore dalal kale oo Carab ah ay usoo celiyeen xiriirka Israa`iil.

Warsaxaafadeed soo baxay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in wufuudda labada dal ay kulmi doonaan “toddobaadyada soo socda”.

Suudaan ayaa wajahaysa cunto yaraan baahsan.

Xafiiska Mr Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Israa`iil ay gacan ka geysan doonto isbeddelka Suudaan

We are looking forward to a warm peace and are sending $5 million worth of wheat immediately to our new friends in Sudan.
Israel will be working closely with the USA to assist Sudan's transition.

— PM of Israel (@IsraeliPM) October 25, 2020

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Suudaan ka saaray liiska Mareykanka ee dalalka maalgeliya argagixisada.

Suudaan ayaa ka soo baxday xukun milatari oo keligii talis ahaa, kaas oo uu hoggaaminayay Cumay Xasan Albashiir.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this