Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo sii daayey ganacsato ay ku xireen Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay sii daayeen ganacsato dhowaan lagu xiray magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedol, kuwaas oo lagu eedeeyey inay u tageen, islamarkaana ay lasoo shireen xubno ka tirsan Shabaab.

Ganacsatadan ayaa in muddo ah u xernaa lamaaha ammaanka gobolka Gedo, iyadoo loo heystay inay dhaqaalo ku taageeren Al-Shabaab, ama ay la macaamileen.

Nabadoon Idiris Maxamed Axmed oo ka mid ah waxgaradka Beledxaawo ayaa Shabelle u sheegay in haatan la sii daayey ganacsatadaasi oo caan ka ah gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sii deyntooda ay timid, kadib markii ay waxgaradka ay dadaal ku bixiyeen sidii ganacsatadaasi dib loogu soo celin lahaa xorriyadooda.

Inta badan Ciidamada dowladda ayaa xabsiga dhiga ganacsadata, odayasha iyo shaqsiyaadka kale ee lagu tuhmo inay Al-Shabaab ugu tageen deegaanadooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this