Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii ugu horreeyey ee Rooble iyo Swan oo 4 arrin lagu soo qaaday + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey oo gaar ah oo ay yeeshaan ayaa Rooble iyo Swan, waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah, kuwaasi oo ay ugu muhiimsanaayen arrimaha doorashooyinka, nabad-galyada iyo Iskaashiga dowladda iyo beesha caalamka ee horumarinta Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada mas’uul ka wada-hadleen dar-dar gelinta howlaha horyaala xukuumada cusub ee dhawaan uu meel-mariyey baarlamaanku iyo kaalinta QM ee marxalada kala guurka.

Wuxuuna ra’iisal wasaare Rooble uga mahad-celiyay QM dadaalka ay ku bixinayaan Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kaalintooda arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobay ay markasta garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana xukuumadda cusub looga baahan yahay ka dhabeynta qorshayaasha horyaala, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonaya kulamada kala duwan ee uu ra’iisal wasaare Rooble uu la qaadanayay beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay amniga iyo arrimaha doorashooyinka oo dhawaan heshiis laga gaaray.

122914550_2831992353698547_2275215029294 122826877_2831992397031876_1389374874527 122943692_2831992440365205_8410474881716

The post Kulankii ugu horreeyey ee Rooble iyo Swan oo 4 arrin lagu soo qaaday + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this