Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Qirtay In Al-Shabaab Ay Ku Sugan Yihiin Meelo Ka Mid Ah Gobolka SANAAG

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha u galeen gobolka Sanaag.

Taliyaha ciidamada maamulka gobolleedka Puntland ugu magacaaban gobolka Sanaag General Cabdullahi Cumar Canshuur oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan meelo ka mid ah gobolka Sanaag, balse wuxuu tilmaamay in ayna jirin deegaano ay si toos ah ula wareegeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa fadhiisimo ciidan ayna ku laheyn gobolkaasi, marka laga tego inay si qarsoodi ah ku teegaan meela qaar, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada Al-Shabaab ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegano dhowr ah oo hoosyimaada degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Dhan kale xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Sanaag ayaan wali wax war ah ka soo saarin sheegashada ururka Al-shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this