Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo maanta ganacsade ku dilay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta kooxo hubeysan ay dil ka geysteen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Dilka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu loo geystay marxuum Cabdullahi Cabdisalaan (Shig-Shigow), kaas oo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka toogasho lagu dilay, xilli uu ka soo baxayey goobtiisa ganacsi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in raggii ka dambeeyey falkaasi ay dilka ah ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tiran kuwa ammaanka Jubbaland

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qarxyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this