Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliye Xijaar oo kormeeray saldhigyada Booliiska Dh/mareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigayada iyo baraha koontaroolada ciidamada Booliiska ah ay ka howlgalaan ee magaalada Dhusamareb goobahaasi ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada oo waajibaadkooda gudanaya.

Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Hareeriheeda.

Shalay ayaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareb wuxuuna kulammo Mira-dhal ah la qaatay saraakiisha Milarariga ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug.

Ammaanka magaalada ayaa maalmahan aad loo adkeeyey, maadaama ay dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelaneyso labada Aqal.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

xijaar1-1024x683.jpg

xijaar2-1024x683.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this