Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: RW Rooble oo kormeeray waddada Tarabuunka iyo KM4

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa si wadajir ah u furay Wadada xiriirisa KM4 illaa iyo Tarabuunka, taasi oo muddo sanado ah xirneed, Madama ay halkaasi isu bad-badaleen Safaaradaha Turkiya iyo Qatar.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Enj.Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan iyo Saraakiil kale ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka wadadaan oo muhiim u ah isu-socodka shacabka Muqdisho, kana mid ah wadooyinka Halbowlaha ah ee Magalaada.

Muddooyinkaan danbe ayey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii loo furi lahaa wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

122829711_2721512611420814_3265938261761 122829714_2721512674754141_9592164724456 122829711_2721512611420814_3265938261761 122886186_2721512738087468_3492324752893 122792413_2721512784754130_7715440717746 122766021_2721512848087457_9129213905764 122802607_2721512884754120_3819962913650

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this