Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya iska hor imaad ka dhacay duleedka Samareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Dheer oo hoos-yimaada magaalada Dhusamreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay ku warramayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal dhex-marey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu kala shaki soo kala dhex-galay labada ciidan oo kala tirsan talisyada Booliiska iyo Millateriga, iyadoona aaga ay is-rasaaseyntu ka dhacday uu yahay mid furun dagaal ah oo dhowaan ciidamo fara badan la geeyay.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi, kaas oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada milatariga Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana meesha lagu diriray gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada amniga ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this