Deeq A. Posted October 26, 2020 Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta oo Isniin ah ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan madaxtooyada maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Deni gelinka dambe maanta uu ka amba-bixi doono magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland. Ujeedka safarka madaxweyne Siciid Deni ayaa la xiriira arrimaha horumarinta ganacsiga iyo wax soo-saarka dhanka Khudaarta, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo kala duwan la qaadan doono inta uu uu joogo Addis Ababa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya. Puntland ayaa xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhanka ganacsiga & wax soo-saarka gudaha la leh dowladda Itoobiya. Si kastaba Deni ayaa horey safaro ugu kala bixiyey dalalka dariska sida Jabuuti, Kenya iyo dalka Isugu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya. The post Madaxweynaha Puntland oo ku sii jiida Itoobiya + Ujeedka first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites