Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo gaaray caasimadda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada Booliiska ee ka howlgala maamulka Galmudug .

Taliyaha ayaa salaan ka qaatay ciidamada Booliiska ah ee halkaasi ku sugnaa kana qaybqaadanayey soo dhowaynta taliyaha iyo wafdigiisa.

Taliyaha ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Booqashada Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa waxay qayb ka tahay Kormeerka rugaha ciidamada Booliiska Siyo xaqiijinta amniga magaalooyinka dhawaan lagu qaban doono doorashooyinka dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

booliska3.jpg

boolisl-4.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this