Deeq A. Posted October 25, 2020 Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaana xafiiskiisa ku soo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudud Axmed Cabdi Kaariye. Taliye Xijaar ayaa safarka ujeedkiisu waxa uu ahaa kormeerka xaruumaha ciidanka Booliiska, waxaana uu booqan doonaa dhaaman xaruumaha ciidanka Booliiska ay ku leeyahiin maamulka Galmudug. S/Gaas Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa dhawaanahaan waday dadaallo lagu hormarinayo ciidanka Booliiska waxa uuna booqanayay xaruumaha ciidanka Booliiska ee gobollada dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites