Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin weerar iyo dagaal ka fuliyey gudaha Muqdisho oo nolosha lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin ku hubeysnaa bastoolad ayaa galabta weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda Xoosh, degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ninkaas oo la aaminsanyahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sida la sheegay weerar toos ah ku qaaday ciidamada, waxuuna ka dhaacay illaa seddax askari.

Israsaaseyn kooban kadib, waxaa ciidamada u suurta gashay inay dhaawac ku qabtaan ninkii fuliyey weerarkaas, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Ninkii ku hubeysnaa bastooladda ee dhaawaca u geystay askartaas ayaa hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka, isagoo dhaawac ah.

Illaa hadad lama cadeyn sababta ka dambeysay weerarka uu fuliyey ninkaas iyo inuu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo inta badan dilal ka geysta magaalada Muqdisho.

Sabtidii shalay ayey aheyd markii rag ku hubeysan bastoolado ay isku dayeen inay dilaan askari ka tirsanaa booliska ka howlgala degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Hasa yeeshee askariga oo ka war helay damaca ragaas ayaa kala hor maray rasaasta, waxuuna halkaas ku dilay mid ka mid seddax nin oo la aaminsanyahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, halka labadii kale ay goobta ka baxsadeen.

The post Nin weerar iyo dagaal ka fuliyey gudaha Muqdisho oo nolosha lagu qabtay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this