Deeq A. Posted October 25, 2020 Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay la wareegtay Degaanka lagu magacaabo Gurya-samo oo ku yaalla duleedka Degmada Laasqoray ee Gobolkaasi. Koox hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 dagaallame, islamarkaana ka tirsan Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Shalay la wareegay Degaanka Gurya-samo, halkaas oo ay ka samaysteen dhufaysyo ciidan. Kooxda Al-shabaab ayaa Degaanka ka samaysay waxay ku tilmaantay hawlgal ciidan, kaas oo ka dhan ah dadka Shacabka ah ee hubaysan, waxaana la xaqiijiyay in ay xireen dad kala duwan. Al-shabaab ayaa haatan u muuqda kuwa xoogga saaraya dhinaca Gobolka Sanaag, kadib markii ay culays kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ka wadaan Buuraleyda Gobolka Bari. Degaanka Al-shabaab la wareegtay ee Gurya-samo, waa dhul istiraatiiji ah, oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow, kaas oo marin u ah Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la wareegtay duleedka Laasqoray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites