Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1-23.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad  ka jeediyey furitaanka Kal-fadhiga, ayaa ka hadlay Arrimaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi ee dhinacyada Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Hoos ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this