Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo Markii Ugu Horreysay Lagu Arkay Deegaano Ku Yaalla Gudaha Somaliland, Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ceerigaabo)-Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shaab ay gudaha u galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah Midhici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka Laas-Qoray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xooggan ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Sanaag.

Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan gobolka Sanaag oo fadhiisimo ku leeyihiin ciidammada qaranka Somaliland.
Al-Shabaab oo weli ku xooggan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse waa markii ugu horraysay ee la sheego inay soo galeen deegaano ka mid ah Somaliland.

Somalilandtoday, Ceerigaabo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this