Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Ku Eedeysan Kufsi Iyo Dil Loo Geystay Hooyo Reer Burco Ahayd Oo Maxkamad La Horgeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa saaka la horgeeyay Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal iskugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka.

Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga Burco.

Markii lasoo Gaba-gabeeyo kiiska eedeysaha ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Togdheer ay Go’aan rasmi ah ka gaadho kiiska Ninkaas, waxaana Madaxweynaha Somaliland uu hore u sheegay in si deg-deg ah loo fulin doono xukunka Maxkamadda.

Allaha u naxariistee Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, waxaana la sheegay in ninka eedeysanahay uu u geystay fal iskugu jiray kufsi iyo dil, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this