Deeq A. Posted October 25, 2020 Waxaa goordhow magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka furmay kalfadhiga 47aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirro, xildhibaanno iyo xubno ka socda maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Deni ayaa si rasmi ah u furay isaga oo ku dhiirigeliye in shaqo fiican ka qabtaan, lana shaqeeyaan xukuumadda. Waxaana maantaa aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Garowe, waxaana inta badan xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada, iyo soo gala ama ka baxo runta uu ka qabsoomayo kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites