Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gudaha u galay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay isku ballaariyey deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in markii ugu horreysay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay deegaano hoos yimaad gobolkaas oo ay kala maamulaaan Somaliland iyo Puntland.

Deegaanada ay la wareegeen Al-Shabaab waxaa ka mid ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhaqaaqyo culus ka bilaabeen halkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Howl-galka ugu ballaaran ayaa ka dhacay, halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugan gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaallo ay ka qarxaan deegaanadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this