Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya iyo Jubbaland oo heshiis ka gaaray xiisada gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo weli gobolka Gedo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa haatan soo baxaya inay heshiis qarsoodi ah gaareen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland ay ku heshiiyeen in ciidamadu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilinta amniga gobolkaasi.

Wasiiru dowlaha amniga maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in la xalliyey khilaafkii in muddo ah u dhexeeyey dowladda & Jubbaland.

Kaliil ayaa shaaca ka qaaday in lagu heshiiyey in ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland  ay iskala shaqeeyan amniga iyo xaslinta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey madaxweyne Axmed Madoobe u yimid M/Muqdisho oo uu uga qeyb-galay shirkii wada-tashiga ee doorashada 2020/21.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this