Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonto amniga doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howl-galka nabad ilaalinta AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay si weyn ugu caawin doonaan amniga doorashooyinka baarlamaanka iyo midka madaxweynaha ee dalka.

Madeira ayaa xusay in Midowga Afrika ay tababaro gaar ah siiyeen ciidamada amniga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si ay qeyb weyn ay ugu qaataan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka soo socda 2020 illaa 2021-ka.

“Sida uu yahay qorshaha inoo degsan waxaa ciidamadeena Booliiska ay koontarooli doonaan dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan iyagoo taageero gaar ah siinaya ciidamada Booliiska Soomaaliya, kuwa milateriga, daraawiishta iyo hay’addaha kale ee ammaanka” ayuu yiri ergeyga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale Francisco Madeira ayaa intaasi ku daray in ciidamadooda ay si gaar ah u sugi doonaan amniga wafuuda ka qeyb galeysa doorashooyinka oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, si aysan u bartilmaameedsan Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda ay ka dhacaan doorashooyinka 2020/2021, iyada oo uu jiro diyaar garow xoogan oo ay ku jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si la xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this