Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo isbeddel ku sameeyay Taliyaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah Isbedel ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxa xilka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Milateriga loogu magacaabay in uu noqdo Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh.

Taliyeyaasha Cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyay, kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo isbeddel ku sameeyay Taliyaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this